Ciidamada PSF ee Puntland oo dib u soo furtay maxaabiis Alshabaab kala baxday xabsiga Bosaso
16 Mars 2021 (Puntlandes) Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa shaaciyay in ay maanta dib u soo furteen maxaabiis badan oo Alshabaab kala baxday xabsiga weyn ee Bosaso.
Qoraal ka soo baxay Ciidanka xoogga Puntland ee PSF, ayay ku sheegeen in ay dib u soo furteen intii badnayd maxaabiistii laga fakiyay xabsiga Bosaso, kadib markii Alshabaab dhowaan halkaas weerartay.
“Ciidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.
Dhanka kale waxaa qoraalka lagu xusay in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu baacsanayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.