Go´aanka gudoomiyaha degmada Gaalkacyo wuxuu cadaalad daro ku yahay ganacsatada danyarta ah iyo shacabka magaalada

Warbaahinta Puntlandes oo baaritaan dheer ku samaysay ayaa ogaatay in Guddoomiyaha kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdinuur Aaden oo xilka la wareegay 19kii janaayo 2021ka uu si xoog ah ku socodsiiyey go´aan cadaalad daro ah, kuna ah xadgudub ganacsatada danyarta ah iyo shacabka magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa gurista qashinka magaalada waxa uu ku wareejiyey Shirkad lagu magacaabo Caafi, oo uu leeyahay nin ganacsade ah oo ay xigto yihiin gudoomiyaha.

Shacabka magaalada ayaa waxaa u adeegi jiray ganacsato danyar ah kana soo saaran jirtay biilka reerahooda shaqadaas, iyagoo lahaa indooda badan hal gaari oo ay guryaha iyo goobaha ganacsiga uga qaadaan qashinka, waxayna qaadan jireen khidmad yar oo 1 doolar ama 2 ah.

Shacabka magaaladu waa ay heli jireen markasta oo ay u baahdaan adeegaas, iyadoo loo imaan jiray markii ay wacdaan sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Gudoomiyaha KMG ah Maxamuud Cabdinuur Aaden ayaa amar ku bixiyey inuu si Maanoboli ah ugu wareejiyey gurista qashinka magaalada Gaalkacyo shirkadda Caafi, aysana jiri doonain shirkad kale ama ganacsade kale oo magaalada qashin ka qaadi kara.

Gudoomiyaha KMG ah intaas kuma ekaane wuxuu u diray ciidamo xoog ku soo xareeya baabuurtii qashinka magaalada horay uga qaadi jirtay, markuu soo xareeyey kadibna waxa uu ku wargeliyey mulkiilayaashii lahaa inay ku wareejiyaan oo lacag aad u yar ku siiyaan shirkada Caafi ama inay magaalada kala baxaan maadaama aysan magaalada uga shaqayn karin.

Sawirka kore baabuurka falaartu dul taal waxaa iska leh nin aad danyar u ah, lugna ka go´an oo curyaan ah, wuxuu nolol maalmeedka reerkiisa ka soo saaran jiray baabuurkaas wuxuuna u ahaa gaadiid, ninkaas maanta reerkiisu xaalkoodu aad buu u liitaa, waxaana baabuurkiisii uu ku shaqaysan jiray ka af-duubtay Gudoomiyaha KMG ah ee degmada Gaalkacyo, waanakaas halkaas ugu xaraysan, wuxuuna ku amray inuu shirkadda Caafi ugu wareejiyo lacag aad u yar.

 

Gudoomiyaha oo sidoo kale ogsoon inaysan shirkadu dabooli karin baahida magaalada kaligeed waxa uu sifo aan sharciga waafaqsanayn ugu wareejiyey qalab ay degmadu lahayd oo ka dhaxeeyey shacabka degmada oo ay ku jiraan ganacsatada danyarta ah ee uu xoogga u sheegtay.

Qalabka uu ku wareejiyey shirkada Caafi ayaa kala ah 1 Gaari iska rogo ah, 15 Gaari gacan, 15 Badeel, 15 Fargeeto qashin iyo 15 Xaaqin dhamaan qalabkaasi waa hanti dadwayne wuxuuna ku xoojiyey oo ku wareejiyey shirkadda Caafi.

Gudoomiyaha KMG ah oo ka hadlayey munaasabadii uu Caafi ugu wareejiyey qalabkii ay degmadu lahayd ayaa sheegay inay kula heshiiyeen Caafi inay qoobaha guud si lacag la´aan ah uga qaado qashinka, guryaha iyo goobaha ganacsigana ay lacag ka qaadato, wuxuuna yiri isagoo u hanjabaya danyartii ka shaqaysan jirtay ”cid allaale iyo cidii ka shaqaynaysa nadaafadda Degmada Gaalkacyo oo si sharci daro ah uga shaqaynaysa waa inay gacanta kala baxdo, cidii lagu qabto maanta wixii ka dambeeysa iyadoo qashin guraysa oo aan shirkadda Caafi ahayn, waxaa laga qaadayaa talaabo ku haboon,…qashin waxaa kaliya oo magaalada gudaheeda ka saari kara shirkadda Caafi”

 

Shirkadda Caafi sidee shacabka magaalada ugu adeegtaa?

Shirkadda Caafi ma leh awood ay shacabka magaalada oo lagu qiyaaso 750.000 ugu adeegto, xataa iyadoo uu gudoomiyaha KMG ah ku wareejiyey Qalab ay magaaladu lahayd.

Shirkadda Caafi  waxay aad u kordhisay qiimihii adeega ee laga qaadayey guryaha iyo goobaha ganacsiga magaalada, ileen waa kaligeed oo ma jirto cid kula tartamaysee.

Warbaahinta Puntlandes oo wax ka waydiisay mid ka mid ah mulkiilayaasha guryaha magaalada ayaa waxa uu u sheegay inay shacabka magaaladu aad uga xun yihiin sidauu Gudoomiyaha KMG ah Maxamuud Cabdinuur Aaden u maamulay arintaaan gaar ahaan inuu awood dawladeed u isticmaalo danyar u adeegi jiray magaalada iyo iyadoo aysan shirkadda Caafi buuxin karin baahida ka jirta magaalada.

Ninkaas oo lagu magacaabo Warsame Cabdi ayaa waxa uu yiri ”waxaan la hadlay shirkadda Caafi 4 cisho ka hor anoo u sheegay in sida ugu dhaqsaha badan la iiga qaado qashin, adeer wali Gaari iyo shaqaale kuuma hayno ayey leeyihiin, ….adeer arintaani waxay keentay dhibaato cusub oo dadkii markii wax qashinka ka qaada ay waayeen ayey banaanka iska soo dhigayaan ileen guryaha kuma haysan karaane”

Warsame Cabdi ayaa dawladda Puntland ee madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ka codsaday inay arintaan aadka u foosha xun wax ka qabtaan, maxaa yeelay marna danyar ayaa awood dawladeed lagu dhibay marna magaaladii ayaa la´ wax qashinka ka qaada.

Gudoomiyaha KMG ah ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdinuur Aaden waxa uu ku dhaqmay waa sharci daro ah ku tagrifal awoodeed, isagoo si cad ugu tantay xuquuq ay leeyihiin muwaadiniin, waana in dawladda Puntland iyadoo ku eegaysa il-naxariis ah saxdaa qaladakaas.

 

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

Puntlandes.com

About The Author