Danjire Ameeriko muxuu ka yiri Xilkii laga qaaday loona magacaabay Jamaal Xasan

Amb Maxamed Cali Ameriko oo mudo aad u dheer ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayey shalay Golaha Wasiirada DFS ka qaadeen xilkaas iyagoo isla shalay u magacaabay Dibl. Jamaaal Xasan in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhindoona dalka Kenya,

Hadaba sidee ayuu u arkaa Amb Ameerika xil ka qaadista lagu sameeyey iyo safiirka cusub? Jawaabtaas wuxuu Amb Ameerika ku soo qoray boga uu ku leeyahay Facebook ga wuxuu u qoray sidan hoose:

Subax wanagsan, JIMCO wanagsan.
Waxan soo dhowaynaya magacaabista ay Golaha Wasiiradda shalay u soo magacabeen saxibkay Ambassador Gamal Hassan , Safirka cusub ee Somaliya wakiilka ugu noqon doona Kenya. Shalay Ayan u hambalyeyay Ambassador Gamal Hassan. Waxan aad ugu mahadcelinayaa diblomasiyinta iyo shaqalaha ka shaqeeya Safarada oo maalin iyo habeen u tagaan u adeegista jaaliyaada Somalia ee Kenya. Sidii kale waxaan u mahadcelinaya ganasatada Somaliyeed ee Kenya sida wanagsan ay ugu gargareen qaxotiga Somaliyeed.

Xilku waa meerto mana aha in qofi iska joogo waligii, isbedelkana faa’iido badan ayaa ku jirta. Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes way ku amaanaysaa jawaabta Amb Ameerika.

Laakiin waxaa ceeb ah in shaqsi 25 sano uu xilka iskaga dhaganaado isagoo wax magaradka u tusaya in reer hebel loo socdo markii la doono in masuul kale lagu bedelo.

Puntlandes.com

 

About The Author