Dhagayso waraysi dheer James Swan oo ka hadlay shirka Xalane, doorashada iyo sida uu xalka u arko

18 Mars 2021 (Puntlandes) Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa waraysi aad u dheer oo uu siiyey idaacadda VAO si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida shirka dhawaan ka dhacaya Xerada Xalane, doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya.

James Swan ayaa ugu horeyn sheegey in kulanka la filayo inay Xerada Xalane ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka, ayna Beesha Caalamku bixinayso dhaqaalaha ku baxaya amnigana sugayso.

“Inkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, si horay loogu dhaqaaqo fulinta hanaankii lagu heshiiyey,” ayuu yiri James Swan.

James Swan ayaa sheegay in loo baahan yahay guddi maamula doorashada iyo amnigeeda maadaama la iska aamin baxay.

Dhagayso waraysiga VOA

Puntlandes.com

About The Author