Sawirro: Farmaajo oo ciidamo horleh geysay gobolka Gedo
19 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ciidamo ku hubeysan hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, xilli gobolka Gedo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan.
Ciidamadan oo ah kuwa millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor ayaa la sheegay in lagu geeyay Gedo amar ka soo baxay Farmaajo oo muddo xilleedkiisii uu dhamaaday bishii laga soo gudbay.
Garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ayaa waxaa ciidamadan ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya.
Ciidamadan la geeyay gobolka Gedo ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli xiriirka dalalka Somaaliya iyo Kenya uu meel xun marayo.
Dowlada Federalka ayaa hore ciidamo faro badan waxa ay geysey gobolka Gedo oo khilaaf xoogan ka taagan yahay cidda maamulaysa doorashada la qorsheynayo in loogu qabto qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federalka.