Akhriso Jubaland oo ka hadashay ciidamo Farmaajo geeyay magaalada Doolow
20 Mars 2021 (Puntlandes) Dowladda Jubaland ayaa war qoraal ah kasoo saartay ciidamo iyo Tekniko uu shalay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo diyaarado ku geeyeey degmada Doollow ee gobolka Gedo, halkaan ka akhriso sawirradana ka daawo.
Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay Farmaajo inuu doonayo in colaad uu ka huriyo gobolka Gedo.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka ka kasoo baxay dawladda Jubaland
Jubaland waxaa ka jirta xaalad abaarreed oo ba’an, dhalisayna khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh. Waxa isbuucyadii la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo food saartay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland.
Haddaba, ayadoo ay taasi jito ayaa waxaa nasiib darro ah in halki Dowladda Federaalku doorkeeda ka geysan lahayd wax kaqabashada dhibaatadaas, inay gobolka Gedo ku sii daabulayso hub, ciidan iyo gaadid dagaal.
Waxa shalay 0o taarikhdu ahayd 19 Maarso 2021, hub, gaadid dagaal iyo ciidan laga dejiyey deegaanada Daawo ee gobolka Gedo, oo awalba la il daraa maleeshiyaad Dowladu Federaalka halkaasi geysay oo dagaallo ka riday, una geystay shacabka deegaankaas boob iyo barakicin. Waxaa iyana ayaan darro ah in ayadoo waddanku ku jiro xili kala guur ah, dhammaadayna muddo0 xileedkii Madaxweynaha Federaalka iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, cid walba oo Soomaaliya danaynaysana ay ku baaqayso in diiradda la saaro wada hadal lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorasho lo0 dhan yahay, uu Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday weli ka waantoobi la’ yahay dagaal oogid, abuuridda carqalado hor leh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla.
Arrimahaas ayaa looga gol leeyahay jabinta heshiis kasta oo looga gudbi lahaa si mari waaga jira.
Haddaba, Dowlada Jubaland waxay caddaynaysaa in masuliyadda wixil ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan u yeelan doono Madaxweynaha muddo xileedkisi dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayna noqon doonto xadgudub aan waligiis ka harin.
Puntlandes.com