Daawo muuqaal: Dubbe oo caddeeyey halka lagu qabanayo shirka uu iclaamiyay Farmaajo
20 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo ka hadlay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada cirka.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkaan loo qorsheeyay in la qabto 22ka bishan loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinkauu qabanqaabadiisa ku howlan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaa shirka isugu yeeray kuna dhawaaqay inuu ka dhacayo xerada Xalane aymniga shirkana ay iyagu sugayaan, maamaama ay madaxda Soomaalidu ay kala aamin baxeen sida iuu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, halkaan ka dhagayso.
Warka Dubbe iyo watrqadii baraha bulshada xalay lagu shaaciyey ayaa ah wixii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo lagu yaqaanay 4tii sano oo uu xilka hayey, qoraalkii xalay laguma sheegin halka uu ka dhacayo shirku laakiin Beesha Caalmka ayaa ku cadaadisay inuu caddeeyey in shirku ka dhacayo Xerada xalane inkastoo uu Dubbe sheegay in xukuumada Soomaaliya qaban qaaabadiisa ku hawlan tahay taas oo ah mid aan jirin.
Puntlandes.com