Madasha Badbaado Qaran oo qoraal xasaasi ah oo ay ugu dhowaaqeen mowqif adag u diray beesha caalamka

20 Mars 2021 (Puntlandes) Madasha Badbaado Qaran ee dhawaan Muqdisho looga dhowaaqay ayaa qoraal ay u direen Beesha Caalamka ku dalbaday inay si deg deg ah usoo farogeliyaan ismariwaaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Madasha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah, sababtoo ah “madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo, taasi oo aheyd mas’uuliyadda madaxweynaha.”

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen inuu waxyeeleeyey dadaal iyo daaacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayagoo tusaale usoo qaatay inuu kasoo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4 iyadoo ay muddo xileedkiisa ka dhiman tahay labo cisho oo kaliya.

Madasha ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku sheegtay in Farmaajo uu shir ku baaqay, xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.

Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu weli sii wado inuu xasilooni darro ka abuuro dalka isagoo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasoo ka horimaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado inuu ciidamada qaranka u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Alshabaab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii Febraayo ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa.

Waxay sheegeen in shirka shanaad ee uu Farmaajo ku baaqay xalay mar kale looga gol leeyahay in lagu raali-geliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen inay aad u adag tahay in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, ayada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday,

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqy shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka oo English ah


Puntlandes.com

About The Author