Goodax Barre oo shaaciyey ninka uu Farmaajo taageeray doorashii Puntland

21 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadii Xasan Cali Kheyre Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlayay barta Club House oo dhalinyaro badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku doodo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda Farmaajo, arrimo qarsanaa, iyo halka uu dalka ku socdo.

Goodax Barre ayaa si weyn u amaanay dawladaha Puntland iyo Jubaland isaga oo sheegay iney dalka badbaadiyeen isla markaana ay badbaadin doonaan Soomaaliya.

Goodax ayaa sheegay inuu Farmaajo carqaladeeyay maamulada Puntland iyo Jubaland doorashooyinkii madaxtimo ee ka dhacay balse uu ku guul dareestay waxaana uu si gaar ah u xusay in Puntland uu ku bixiyay 2 Milyan oo Dollerka Mareykanka.

“Puntland iyo Jubaland waa labada maamul oo ka madax bannaan Farmaajo. Puntland faragelin toos ah ayuu ku sameeyay doorashadii… Nin uu wato ayuu Minnesota ka keenay, xog ayaan u hayaa inuu 2 Milyan Dollar ku bixiyey.. waana ku fashilmay… Jubaland waa la ogaa, wixii waanwaan laga soo shaqeeyay ee Xasan Kheyre hormuud u ahaana Farmaajo ayey ka socon waayeen… Labadaas maamul ee Farmaajo ka madax bannaan ayaa Soomaaliya badbaadin doona..,” ayuu yiri Wasiirka.

Goodax Barre ayaa waxaa lagu xusuustaa markii uu wasiirka ahaa isagoo fulinaya amarka Farmaajo inuu Puntland si foolxun ula dagaalamay isagoo ardayda reer Puntland u diiday Shahaadadii ay xaqqa u lahaayeen, wax badan buuna ka og yahay siraha Farmaajo ee Puntland ku wajahan.

Puntlandes.com

About The Author