Daawo muuqaal: Xildhibaanimada la siiyo Cabdisiciid waa cod la siiyey Farmaajo

Shir Beesha reer Mahad ee Cumar Maxamuud uga qabsoomay magaalada Buurtinle intii u dhaxaysay 11ka ilaa 17ka maarso 20121 ayaa go´aamadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in Beeshu ay dawladda Federaalka xubin matalaad ah ku yeelato si taasi u dhacdana waa inay heshaa kursi ka mid ah labada kursi ee ay Beesha Cumar Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka.

Shirka waxay ku go´aamiyeen Nabadoonada, Odoyaasha iyo waxgaradka Beeshu in xubinta beesha reer Mahad ka heshay Cumar Maxamuud inay siiyaan oo aan lagula tartamin   oo ah Lataliyaha Farmaajo ee 4tii sano ee uu xilka hayey iminkana boorsada u wada.

Cabdisiciid wuxuu u adeegaa daacadna u yahay Farmaajo, haddii uu noqdo Xildhibaana waa cod uu helay Farmaajo, taas oo aan beesha Cumar Maxamuud, shacabka iyo dawladda Puntland dan u ahayn maxaa yeelay Farmaajo waxaa ka go´ay inuu Puntland burburiyo.

Iyadoo ay Beesha reer Mahad ay Cumar Maxamuud ahaan Puntland ugu fadhido wasiir A ah, Xildhibaan iyo agaasime guud ayna jiraan Beelo badan oo Cumar Maxamuud ah oo aan Matalaad ku lahayn Puntland ayna tahay inay kuwaasi helaan labada Kursi ee ay Beesha Cumar Maxamuud ku leedahay Soomaaliya ayey haddana xaq u leedahay inay hesho beesha reer Mahad laakiin ma ahan wax la aqbali karo in Farmaajo cod ka helo Cumar Maxamuud.

Waxaa kale oo wax aan la aqbali karin ah in beesha reer Mahad oo mid ah Cumar Maxamuud oo hormood u ahaa yagleelidii iyo aasaaskii Puntland dhiig badana u huray uu shir u abaabulo Farmaajo oo geed gaaban iyo mid dhederna u fuulay sidii uu u burburin lahaa Puntland, qorshaha ugu horeeya oo uu leeyahayna haddii uu soo noqdona ay tahay inuu burburiyo Puntland.

Farmaajo halis ayuu Puntland ku yahay beesha reer Mahad na ma ahan inay Farmaajo taageero siiso, maxaa yeelay codka Cabdisiciid waa taageero Farmaajo.

Daawo Cabdisiciid layaliyaha Amniga Qaran ee Farmaajo oo Garowe ee HERITAGE Farmaajo ku difaacaya fashilka amni

Puntlandes.com

About The Author