Daawo Video: Dowlada federalka oo sheegtay in shirka arrimaha doorashooyinka uu furmay

22 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirka uu furmay isla markaana ay dowlada ugu baaqeyso Madaxda Jubaland iyo Puntland ay ka soo qeybgalaan shirka maalinta berri oo uu sii socon doono shirka.

Wasiirka warfaafinta ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka maanta uu ahaa mid hordhac ah oo la isku soo dhowaada uuna dhamaaday qeybtii hore ee ajandaha.

Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahayd inay ka soo qeybgalaan madaxda dowlada federalka,dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan qabsoomin kadib markii ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen inay ka soo qeybgalaan kulankan.


Puntlandes.com

About The Author