Shirkii Dawlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo baaqday kadib markii..
25 Mars 2021 (Puntlandes) Shirkii ay galinka dambe ee maanta u balansanaayeen madaxda dawlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Beesha Caalamka ayaa baaqday kadib farogelin ka timid Farmaajo, sida uu xaqiijiyey wasiirka Arima Guduha Puntland Maxamed Dhabancad.
Shirkaan oo ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in kulankaan heshiis uga gaaran dawla goboleedyadu ajendaha shirka guud ee doorashada dalka.
Shirkaas ayaa baaqday kadib cadaadis ka yimid dhanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo saaray madaxda saddexda dowlad goboleed ee taabacsa isaga si aysan uga qeyb-galin kulankaas.
Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka.
Dowladda federaalka ayaa waxay dhawaan digniin adag u dirtay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, midaasi oo la xiriirtay inay faro-gelin toos ah ku yeeshan arrimaha gudaha oo qeyb ka tahay doorashada, islamarkaana ay ku dalbaneysay inay joojiyaan fariimaha xasaasiga ah ee hawada u mariyaan.
Puntlandes.com