Janan iyo Fahad Yaasiin oo Muqdisho gaaray
25 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo heshiis la galay dowladda federaalka ayaa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Janan ayaa waxaa safarka ku weheliyey taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo shalay gaaray gobolka Gedo si uu ugu so dhaweeyo, waxayna ku yimaadeen diyaarad gaar ah ka soo qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan ayaa Muqdisho kusoo laabanaya sanad iyo laba bilood kadib markii uu magaalada, sida la sheegay, ka baxsaday dabayaaqadii bishii Janaayo ee 2020.
Janan ayaa markaas dowladda ay ugu yeertay dambiile, waxayna amartay in lasoo qabtay, hase yeeshee wuxuu hadda Muqdisho kusoo noqonayaa ayada oo dhammaan dambiyadii loo haystay daaqadda laga tuuray, isla markaana ah saaxiib iyo xulufo la ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.
Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay xalay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento.
Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad.
Puntlandes.com