Xagguu ku dambeeyey Shirkii DFS, PL JL iyo KG oo Garowe ka dhici lahaa?

Dadka yaqaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali  Gaas iyo hab dhaqankiisa waxay u cadaatay in uusan jirin shir ka dhicidoona caasimada Puntland ee Garowe 5 abriil oo loo balansanaa. Waxayna sababtu ahayd shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee 2 abriil laguma soo qaadin shirkii ay u bixiyeen ”Shirkii labaad ee Federaalka Soomaaliya” iyadoo awal labadii Todobaad ee ka horeeyey shirkaas aad looga hadlay qabsoomida shirkaas.

Hoos ka akhri wixii ka soo baxay shirkii 2 abriil

1938a

1938b

 

Hadaba waxaa dad badan iswaydiinayaan waa; Maxay tahay sababta uu u qabsoomi waayey shirkaasi? Ma madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa Dam Jadiid oo awalba hawsha watay baa diiday mise wax kala jira?

Waa maxay sababta shacabka Puntland uu ugu soo bandhigi waayey madaxweyne Gaas sababta uu u qabsoomi waayey shirku iyo haddii uu dib u dhac ku yimidba?

 

Hoosna ka akhriso wixii ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada ee 19kii iyo 26 maarso

19361937

Puntlandes.com

 

 

About The Author