Farmaajo oo markii lixaad shir ku baaqay, kaddib dhamaadka muddo xileedkiisa
01 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.
Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”
Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021.
Shirkaan ayaa waxaa kasoo shaqeysay beesha caalamka, oo cadaadis xooggan saartay madaxda Soomaaliya, kadib markii ay guuleysan waayeen dadaallo toddobaadyadii tegay ka socday Muqdisho.
Beesha caalamka ayaa tan iyo xalay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dawlad goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, isla markaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.
Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa sheegay in haddii todobaadkaan xal uu iman waayo ay beesha caalamka si toos ah usoo faro-galinayso arimaha doorashada Soomaaliya
Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.
Puntlandes.com