Dawladda Puntland oo soo dhawaysay dadaalka ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada
01 April 2021 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa soo dhawaysay dadaalka ay waday Beesha Caalamka, kaasoo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada Soomaaliya.
Qoraal caawa kasoo baxay Madaxtootayada dawladda Puntland oo lagu daabacay barta ay ku leedahay Facebook ayaa u dhignaa sidaan hoose:
Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.
Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.
Puntlandes.com