Shirka Madaxda dowlada,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo furmay

03 April 2021 (Puntlandes) Shir u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhamaaday iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa goor dhow ka furmay teendhada Afisiyoone.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa iminka shrka ka qayb galaya, iyagoo saddex todobaad Muqdisho ku sugnaayaa ayna jirtay carqabado ku horgudban shirka.

Shirka maanta ayaa la filayaa in looga heshiiyo ajandaha shirkawaynaha soo socdo, is fahamka shirkan hordhaca ah laga gaaro ayay ku xiran tahay inuu qabsoomi doono shirka rasmiga ah.

Beesha caalamka ayaana gacan ka geysatay qabsoomida shirkan horu dhaca ah ee ay saakay isugu yimaadeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana la sheegay in beesha caalamka kaalin muuqata ku leedahay shirkan iyo socodsiintiisa.

Puntlandes.com

About The Author