Burcad Badeedii oo Mar Labaad ka Dilaacday Xeebaha Puntland

Dadka yaqaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali  Burcad Badeedii oo Mar Labaad ka Dilaacda Xeebaha Puntland. Tuulada Suuj oo ka Tirsan Degmada Eyl oo 185km Bariga kaga beegan Caasimada Garowe waxay Koox Burcad Badeed ah oo isku Abaabulayay Beryahaan Xalay oo Bishu ahayd 5-4-2015, ku weerareen Dooni Kuwa Jiriifka ah oo laga leeyahay Dalka Iraan.

Doontaas oo Aysaarayeen Rag hubaysan ayaa Rasasaas laysweydaarsaday waxaa ku dhintay Hal Nin oo kooxdii Burcadda
ahayd Katirsan halka mid kalena Dhaawacmay umana Suura galin inay Qabsadaan Burcadii Doontaas.

Dhanka kale waxaa Magalada Garowe ku Arkaysaa Rag ka Tirsanaan Jiray Burcad Badeedii hore oo Guryo iyo Bagcado ay ka Tabcadeen Xiligii Burcadda Dib u iibsanaya kuwaas oo ay doonayaan inay ku maal galiyaan Arimo Burcad Badeednimo.

Isku soo wada Duuboo Arintaan Ayaa Dhibaata weyn ku Noqonaysa Puntland hadii aan Si Deg Deg ah waxlooga Qaban waxayna Arimahaan oo dhan ku soo Beegmayaan Xilli aysan shaqayn Laamaha Amaanku Sababo Laxiriira Khilaaf Saraakiil Dhanka amaanka ah oo Xilka lagaqaaday taas Baddal keedana aysan Shaqayn Saraakiishii Lagu Baddalay maadama Aan Xilka

lagu wareejin.

Puntlandes.com

About The Author