Gaas iyo waji Gabaxa uu reer puntland la hortaagan yahay W/Q Saliid

Markaad aragto guuldarada uu madaxweyne Cabdiwali Gaas uu moodey siyaasada ma ka naxdaa meesha uu mustaqbalka Puntland ku dambeyn doono.

Hadaan u soo noqdo dulucda qoraalka, Dr Gaas iyo xukuumadiisu waxay muddo ku siman sadex Todobaad dadka u sheegayeen in wax ay ugu yeereen madax federaal ay dalka imaanayso. Waxay ka shirayeen mudedaas sida loo soo dhawaynayo. Maanta oo taariikhdu ku simantahay 5 April  bay lahaayeen shir baa Garoowe ka dhacaya. Qolyihii uu sugayey waa u gooyeen sidii awalba caadada u ahayd. Cabdiwali Gaas na wax hadal ah kama soo saarin arintaas sidii asagana caadada u ahayd.

Waxaynu wada ognahay in uu qolyahan Xamar uu isagu iska daba socdo laakiin ayagu aysan wax ixtiraam iyo xushmad toona u hayn. Markay dadka reer puntland ee isaga wax moodey ay dooranayeen kuna aamineen Masiirka dadka reer Puntland. Markii la waydiiyo  sababta uu Xamar isaga daba socdo wuxuu ku jawaabaa hadal uu isagu niyada ka jecel yahay hase yeeshee aan lala wadaagin oo ah ”wada socodkayagu wuxuu ku dhisan yahay is qaderin iyo is ixtiraam” bal adba!!!!

Hadda ka hor bay intay Gobolka Mudug damceen in ay ka goostaan Puntland baa markii reer Puntland juuq ka waayeen Dr Gaas bay ku kaceen, markaasuu issagoo iska dhigayey markaas nin uu wax iska dhicinaya buu wuxuu u qabtay dead-line ku sinaa 21 september 2014. Dadka reer Puntland waxay u qaateen hanjabaad dhab ah oo waxay is yiraahdeen abooyaalow bal daya ”Candhalaa curatay oo ceesaamo dhashaye” alaylehe  maantay ka dhab tahay wax badan buu dulqaataye. Laakiin qolyaha Xamar waxay ogaayeen sida uu yahay oo dhabta ah markaas baysan juuq u oran. Oo abooyaaloow muxuu samayn markii lagaaray waqtigii misse juuq ma leh oo gurii buu hoosta ka xirtay, malaha waa uu baryootamayey oo wuxuu beryeyey  Ra,iisul wasaarihii la eryey oo loo eryey sababta uu u aadey Puntland.

Shan maalmood markay ka soo wareegatay iyadoo reer Puntland candhuuftoodii dib u liqeen baan waxaan maqalay Dawlada federaalka ah baa dib u dhigtay wada hadalkii. Hada ogoow wixii deadline :ka loo qabtay iyaday ahayde.

Abooyaalow maantana maxaan maqlaynaa illeen Dr Gaas ka sugi maynee wax dadka u cuntama eh.

195

About The Author