Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo
10 April 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal bartamaha magaalad Baydhabo.
Qaraxan oo ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa waxaa ku dhintey 3 ruux halka ay toban kalana ku dhaawacmeen.
Qaraxan oo ka dhacay maqaayada Suweys oo la sheegay inuu ku sugnaa guddoomiyaha gobolka bay Cali Wardheere Dooyow,balse uu ka badbaaday qaraxan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku dhintey qaraxa ay ka mid ahaayeen ilaaladii guddoomiyaha gobolka Bay.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, iyada oo dadkii ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.