QM, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika oo qoraal wadajir soo saaray

11 April 2021 (Puntlandes) Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay.

Wada hadal qadka muuqaalka foggaan aragga ay yeesheen Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Madaxa Arrimaha siyaasadda, Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Bankole Adeoye, Agaasimaha Afrika  ee Midowga Yurub Amb. Rita Laranjinha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada Rosemary DiCarlo ayaa ka soo saareen war murtiyeed wada jir ah.

Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo carqaladayn karta xasiloonida Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen madaxda dawladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhamaaday inay ku laabtaan wadahadalka Teendhada Afiyooni, waxay ka digeen muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.

Waxaa kaloo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan ansixin ku sameeyaan heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul

Sidoo kale waxay ku dareen in iyadoo lagu shaqaynayo heshiiskii 17ka September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo laga wadahadlo la isgana tanaasulo qodobada kale oo ku horgudban in doorasho dalku aado.


Puntlandes.com

About The Author