Taliyaha Booliska oo sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir
12 April 2021 (Puntlandes) Qoraal goordhow lagu daabacay barta Facebook ee Warbaahinta dowladda ayaa lagu shaaciyay in Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu xilka ka qaaday jen. Saadaq John oo ahaa Taliyaha Booliska Banaadir, saacado kaddib markii uu Taliyaha ku dhawaaqay in la joojiyay shirkii Baarlamaanka.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan ayaa kahor inta aan lagu dhowaaqin xilka qaadistiisa waxa uu u sheegay in uu joojiyay kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Mooshinka Doorashooyinka si aan Caasimadda uga dhicin Qalalaase.
General Saadaq ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in Shacabka Gobolka Banaadir uusan xamili karin qalalaase maadaama Bulshada Caasimadda ay ka daaleen dhibaatooyinkii soo maray xalka muuqdana uu yahay in la joogteeyo qori isu dhiibka Doorashooyinka oo 4-tii sano mar dhaca.