12 April 2021 (Puntlandes)  Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhamaaday 27kii december 2020 ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheynta doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo cod ah.


Waxaa la faray Xukuumadda in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga.

 

Doodii Golaha wali way socotaa, waxaana xeerka ku gaar ahaan qodobka 5aad in guddiga madaxa banaan ee doorashada, ee ay ku egtahay muddo xileedkoodu bisha soo socota, ay doorasho qof iyo cod ah ku qabtaan muddo 2 sano ah oo ka bilaabanaysa marka uu madaxweynuhu saxiixo xeerka.


Puntlandes.com

About The Author