Akhrso Aqalka Sare “Ha lagu noqdo xeendaabka heshiiskii September 17 si dalku doorasho u galo”
12 April 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamay qaraarkii muddo kordhinta ahaa ee Golaha Shacabka, waxaana uu ku baaqay in lagu soo noqdo xeyndaabka sharciga ee dalka u yaalla iyo heshiiskii 17 September 2020.