Dowlada Jubaland oo sheegtay in wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday uusan sharci ahayn

12 April 2021 (Puntlandes) Dowlada Jubaland ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigta barta ay ku leedahay Twitterka waxay ku cadaynay in wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday aysan wax sharci ah ku dhisnayn.

Dowlada Jubaland ayaa qoraalka ku tiri “Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka”


Puntlandes.com

About The Author