Madaxweyne Denni oo kulan xiran la leh Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
17 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa iminka waxa uu la leeyahay Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kulan xiran oo saxaafadu banaanka ka joogto.
Kulanka ayuu madaxweynuhu uga warbixinayaa xaalada cakiran ee dalka iyo sida Dowlada wakhtigeedu uu dhamaaday ay ugu fashilantay hirgalinta doorashooyin loo dhan yahay.