Madasha badbaado Qaran oo Golaha Amaanka udirtay qoraal
20 April 2021 (Puntlandes) Madasha badbaado qaran oo ay ku mideysan yihiin dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, midowga musharixiinta iyo guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay weheliyaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa qoraal la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM.
Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga.
Madasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarka labada sano ah.
“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda.
Sidoo kale madasha ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda.
Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.
Amaanka ayaa maanta oo talaado ah bisha April na ay tahay 20ka ka yeelanaya arimaha cakiran ee Soomaaliya shir ay albaabadu u xiran yihiin.