Daawo muqaal: Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn oo bilowday dhagaysiga dacwadda eedaysanayaal Alshabaab katirsan oo lagu soo eedaysay inay dilal badan…..
20 April 2021 (Puntlandes) Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwadda 5 eedaysanayaal oo xeer ilaalintu kusoo eedaysay inay ka tirsan yihiin Alshabaab sidoo kalena falal amniga liddi ku ah ka gaystay gobolka mudug.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay uga hadlay dhagaysiga dacwadaan, wuxuu u qornaa qoraalka gudoomiyaha sdan:
Waxaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland ugu Bishaaraynayaa in si toosa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn ay ka bilowday Magaalada Gaalkacyo dhagaysiga iyo Xukunka kiisaska Shabakadiihii mudo ku dhow 12-sano Magaalada Gaalkacyo haldoorkeedi si gaadmaa oo naflacaarinimaa ku dilayey kuwaaso dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ilaa iyo hada aanu Dagaal baahsan kula jirnay aanu ku qabanay in kabadan 50 Argagixiso.
Waxaanu idiin balan qaadaynaa in cid kasta oo loo qabtay Dhagrida Bulshada Gaalkacyo la hor keeni doonaa Maxkamada halkaaso uu ka mudan doono Abaalka Dambigii uu galay.
Waanu wadi doonaa Dagaalka aanu kula jirno Firxadka Argagixisada aan arxanka iyo diinta lahayn ilaa aanu ka sifaynayno, ogaada qofkasta oo maalin ka horyimid mujrinimadooda ilaahay agtiisa ajar iyo xasanaad wayn baa uyaal, cid kasta oo ku dhimatay Dagaal iyagoo kula jirana waa Shuhadaa ku shahiiday halkaa, waxaan uga mahadcelinaynaa Bulshada Magaalada Gaalkacyo sida hufnaanta leh ee ay ula shaqeeyaan Laamaha Amniga waxaana ka codsanaynaa in ay sii wadaan la shaqayntooda.
Puntlandes.com