Guddigii Doorashooyinka Dadban oo la kala direy
21 April 2021 (Puntlandes) Guddigii muranka ka taagnaa ee doorashooyinka dadban ayay dawladda Federaalka kala dirtay kadib markii dhowaan golaha shacabka uu u codeeyay muddo kordhin 2 sano ah.
Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa xalay macsalaameeyay oo la kumay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.
Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda Ferderaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa guddiyadii Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood.
Mahdi ayaa waxa uu sheegay in loo jihaystay wixii ka dambeeyey 12ka april 2021, oo ay Golaha Shacabku u codeeyeen muddo kordhin 2 sano ah.
Si kastaba Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddigaan la kala diray ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan NISA iyo Shaqaale dowladeed, isla markaana aysan qaban karin doorasho loona baahan yahay in la kala diro.