MADAXWEYNAHA OO GUDDOOMIYE U MAGACAABAY GOBOLKA SOOL

Garoowe: 22 April 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.


Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author