Sawirro: Farmaajo oo dhaariyey guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa oo sharciyad lagu dhisin

25 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabadda lagu dhaariyey guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, kaa oo aan sharciyad lagu dhisin.

Guddigaan ayaa marka koowaad waxaa soo gudbisay Xukuumaddii xilgaarsiinta ee Xasan Khayre oo aan haysan kalsoonida Golaha Shacabka, kadibna waxaa ansixiyey Golaha Shacabka.

Meeshii sida dastuurku caddaynayo loo gudbin lahaa Aqalka Sare ayaa Farmaajo waxa uu saxiixay markii muddo xileedkiisu dhamaaday kadib iyadoo taariikhda laga dhigay december 2020.

Guddigaani wax sharciyad ah kuma fadhiyo, waana qayb ka mid ah ku tumashada sharciga ee farmaajo caadaystay.


Puntlandes.com

About The Author