Midowga Musharrixinta oo war kasoo saarey dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Muqdisho ka socda.
Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.
War Saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday hoyga musharaxiinta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Gorgor oo ay hubeysay dowlada Turkiga mushaarkana siiso,sidoo kalana Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin uu hub ay soo siiyeen cidamada AMISOM.
Midowga Musharaxiinta ayaa ka digey in ciidamada loo adeegsado siyaasadda lagana weeciyo la dagaalanka kooxda Alshabaab.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta