Dagaalka ka soconaya caawa magaalada Muqdisho
25 April 2021 (Puntlandes) Waxaa sii xoogeysanaya dagaal culus oo caawa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka bilowday gelinkii dambe ee maanta iyadoo dagaalkuna uu ku sii fiday degmooyin horleh.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo iyo ciidamo kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu weli socdo dagaalkii ay ciidamada dowlada ku qaadeen hoyga Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku dhaw Madaxtooyadii Cabdi Qaasim, waxaana wali laga maqalayaa rasaas.
Dagaalka ayaa waxa uu saameyn u yeeshay Madaxtooyada iyadoo tiro madaafiic ah ay ku dhaceen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya walow aan la sheegin waxyeelada ay geyseen.
Wasiirka Amniga dowlada federalka Xasan Xundubey oo warbaahinta dowlada ka hadlay ayaa beeniyay in ciidamada dowlada ay weerareen hoyga madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Balse waxa uu qirey inay ciidamada dowlada la dagaalameen ciidamo ka soo horjeeda waxana uu sheegay in maleeshiyaad la soo qalday oo soo galay magaalada ay dib u riixeen.
Kumanaan qoys oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa xirxiranaya agabkooda iyagoo isu diyaarinaya inay ka cararaan dagaalada oo laga cabsi qabo inay sii xoogeystaan maadaama aysan jirin cid ku dhex jirta oo kala dhex galaysa.
Waxii Warar ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Alla