Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka horjeestay muddo kordhinta Farmaajo
27 April 2021 (Puntlandes) War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxay si cad u sheegeen inay tahay doorashada lagu heshiiskii 17 September, iyagoo ka soo horjeestay muddo kororsigii labada sano.
War Saxaafadeedkan ayay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug si rasmi ah ugu cadeeyeen inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga labada sano ayna ku baaqayaan in dib loogu laabto wadahadaladii doorashooyinka kuwaasoo ku salaysan heshiiskii September 17.
Warkan ka soo yeeray labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle.