Mareykanka, Sweden, Norway, UK, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo taageeray go’aanka Galmudug, HirShabelle iyo Rooble
27 April 2021 (Puntlandes) Safaaraddaha Mareykanka, Sweden, Norway, UK, Midowga Yurub iyo Qaramada Midooba ee magaalada Muqdisho ayaa ammaanay soona dhaweeyey Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo shaaciyey inay ka horjeedaan muddo kororsiga dalkna aadayo doorasho ku salaysan heshiiskii Sep 17.
Fariimo lagu qoray barta twitter-ka ay safaaraduhu ku leeyihiin ayey ku in heshiiskii 17 sept uu yahy kan ay tahy in lagu shaqeeyo xalka Soomaaliyana uu ku jiro wada hadal.
Dawlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.
Sidoo kale wax yar ka dib ayaa waxaa isna qoraal soo saaray RW Rooble kaas oo ku dhawaaqay in dalku aaday doorasho ku salaysan heshiiskii 17ka Sept .
Hoos ka akhriso qoraalada