Daawo-akhriso Farmaajo oo sheegay inuu Golaha shacabka shirinayo si loo laabto heshiiskii 17 sept
28 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa xalay saqdhexe waxa madaxtooyadu shaacisay muuqal la duubay oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay in dalku aado doorasho ku salaysan lagu heshiiskii 17 September, isagoo kusii daray inuu Golaha Shacabka hortagi doono sabtida oo ku beegan 1da May.
Farmaajo ma uusan sheegin inuu ka tanaasulay muddo kororsigii labada sano ahayd, kaman uusan hadlin dagaalkii khasaaraha keenay ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Hoos ka daawo muuqaal kana akhriso qoraal ay madaxtooyada ka samaysay khudbadii Farmaajo:
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKA IYO ARRIMAHA DOORASHOOYINKA
Muqdisho, Abriil 28, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa si toos ah ula hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa uga booga dhayey walaac xooggan ee ay ka qabeen xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.
“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.
“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.
DHAMMAAD
Puntlandes.com