Guddoonka Golaha Shacabka oo iclaamiyay fadhi gaar uu kula hadlayo Farmaajo
28 April 2021 (Puntlandes) Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida oo ku beegan 1da may ay yeelanayaan Xildhibaannada golaha.
Fadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa Golaha Shacabka kula hadlaya Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu sheego inuu dib loogu noqonayo heshiiskii doorashada ee 17 September, isla markaana looga laabto muddo kororsigii labada sano.
Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn ee maalinta Sabtida.
Puntlandes.com