Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo xoghayaha cusub u magacaabay Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo
28 April 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad ayaa wuxuu xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo u magacaabay Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesaweyne).
Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa la faray inay fuliyaan dhaqan gelinta magacaabidda xoghayaha cusub.