Sawirro: Maxkamad Ciidamada Puntland oo u fariisatey dhageysi dacwada Sagaal eedaysane

28 April 2021 (Puntlandes) Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta u fariisatey dhageysi dacwada Sagaal eedaysane.

Maxkamadda ayaa sheegtay sagaalka Eedeysane in shan ka mid ah lagu eedeeyey hogaaminta iyo amaradda dilalki iyo qaraxyadi Galkacyo ka dhacay 13 sano ee lasoo dhaafey.

Gudoomiyaha Maxkamadda G/Saree Cabdulaahi Cabdi Shire ayaa dib u celiyey dhageysiga dacwadaa 5 ruux oo lagu sheegay inay lahaayeen hogaaminta Alshabaab ee gobolka Mudug,kuwaas oo isaga kala sareeyey amar bixinta,waxaana maxkamaddu sheegtay in dhageysiga dacwadooda lagu soo gabagabeyn doono gunaanadka Maxkamadeynta Alshabaabta ee ku jira gacanta booliska gobolka Mudug,haddeerna la is raacin doono xukunka Eedeysanayaasha aan madaxda sheen balse Amniyaadka u ahaa Alshabab.

Sawiradda shanta qof ee lagu eedeeyay inay horjoogayaal u ahaayeen Amarka iyo maskaxda dilalkii iyo qaraxyadii Galkacyo ka dhacay 13 sano ee lasoo dhaafey iyo magacyadooda ka akhriso hoos.
1 Cabdiqadir Umul
2. Amiir Maxamed Jeeri
3. Qaasim Al-Turaabi.
4. Abayle
5. Maxamud Abu Dhayib


Puntlandes.com

About The Author