Daawo muuqaal: Sheekh Shariif “Xalka Soomaaliya waa mid Siyaasi ah”
29 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Shariif Sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid si weyn looga xumaado,iyadoo bil ramadaan lagu jiro dhiig la daadiyo.
Isagoo ka hadlayay mowqifka uu qaatay ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka yuu ku tilmaamay mid si weyn wax uga tartay in ay qabowdo xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta.
“Waxaan uga mahadcelinayaa mowqifka Rai’sul wasaaraha kaasoo ahaa mid sababay in arrintu ay istaagto, sidii magaalada loo xasilin lahaa doorashana lagu aadi lahaa.”
“Baarlamaanka muddo kardhinta uu sameeyay ayaa sababtay dhimasho,dhaawac iyo barakac, wixii laga digeyay inay sax ahaayeen ayaa muuqatay, shalay waa la soo doortay hadana fursad ayay leeyiiin balse heli maayaan haddii ay dowladnimada meesha ka baxda,”ayuu sii raaciyay.
“Dalkaan waa in doorasho uu aadaa, mid lagu qanci karo heshiis lagu yahay, Soomalaiya dagaal uma baahna ee waxa ay u baahan tahay dowladnimo. dowladnimaduna waa mid la wada leeyahay.”ayuu yiri Sheekh Shariif.
Puntlandes.com