Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu iska wareejiyey doorashada iyo amnigeeda

01 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble.

Farmaajo ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto heshiiskii 17ka september, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiskaas

Farmaajo ayaa Golaha Shacabka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Faahfaahin la soco dhawaan

About The Author