Golaha Shacabka oo u codeeyey in dib loogu noqdo doorasho dadban
01 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble.
Isagoo ka codsaday inay ku raacaan in lagu noqdo doorasahdii dadbanayd uuna u xilsaaray Ra’iisul wasaare Rooble, kadib golaga oo ay fadhiday 140 xildhibaan ayaa sidii caadada ahayd hal mar gacabta u wada taagay, iyadoo uusan xildhibaana diidin midna ka aamusin.
Codaynta ka dib aya aGudoomiye Mursal waxa uu Golaha geliyey bil fasaxa ah sida uu sheegay.