DFS oo ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii Kenya
06 May 2021 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee ay la laheyd dowladda Kenya, kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.
Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xiriirka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xiriirka.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii December shaacisay inay xiriirka u jartay Kenya, isla markaana ku amartay Safiirkii Kenya inuu Muqdisho ka baxo, lana soo laabatay safiirkeeda iyo shaqaalihii ka joogay Nairobi.