Xukuumadda Puntland oo $90’000 doollar bil walba u qoondaysay Urur siyaasadeedyada Puntland

16 May 2021 (Puntlandes) Ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Dowladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.


Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay xilli magaallada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ah-na ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.

About The Author