Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Mudug oo lagu soodhaweeyey degmada Bookh
17 May 2021 (Puntlandes) Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa gaaray Degmada Bookh ee Gobolka Doollo.
Wafdigan oo isugu jira Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoonka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Mudug, Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug,
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Duqa Degmada Galdogob, agaasimaha mashaariicda Gobolka Mudug, Nabadoono iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ” waxaan Maamulka Degmada Bookh iyo kan Gobolka Dollo uga mahadcelinayaa soodhawaynta qiimaha badan ee aan loo kala harin safarkaygaan waxa uu salka ku haya iskaashiga labada Gobol ee Doollo iyo Mudug dhinacyada Amniga, Horumarka iyo ganacsiga gaar aan ladagaalanka Mukhaadaraadka iyo Argagixisada ”