Sawirro: Wasiir Dhabancad oo Degmada Eyl ka daah-furay barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose
18 May 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Guddiga KMG Doorashooyinka ayaa Galabta Degmada Eyl ka daah-furay barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose oo si hordhac ah looga-qabandoono.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DPL Mudane Dhabancad oo ka hadlay Daahfurka munaasabadda ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada ay meelsare uga jirto qorshaha Dowladda, dedaalna lagu geliyey sidii u qabsoomi lahayd Puntland codbixinta Doorashooyinka Golaha deegaanka.
Dawladdu waxay xoogga saartay sidii shacabka reer Puntland ay codkooda ugu dooran lahaayeen cidda hoggaanka u qabanaysa, loogana gudbi lahaa habka qabaliga ah ee aynu kusoo dhaqmayney sanadihii lasoo dhaafay,
Daahfurka barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose Degmada Eyl Waxaa ka soo qeyb galay, Maamulka Degmada, Maamulka Gobalka Nuugaal,qaarkamida Ururada siyaasada Puntland, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Degmada Eyl.