Sawirro-muuqaal: Gudoomiyaha gobolka Mudug oo degmada Bursaalax kadaahfuray dhismaha wado 2km ah oo Laami ah
18 May 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa daahfuray dhismaha wado laamiya oo dherarkeedu yahay 2km taaso laga hirgalinayo Degmada Bursaalax.
Wadaan laamiga ah oo uu horay u dhagaxdhigay madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni balana qaaday in dawladdu bixinayso 1 km ayaa waxay isku xiri doontaa Mashruuca Hormarinta Bursaalax iyo bartamaha magaalada
Munaasadaan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Mudug, Isimo, Nabadoono, Ganacsato, Maamulka Mashruuca Hormarinta Bursaalax iyo dadwayne kale.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo xoojinayo isku tashiyada Bulshada ayaa dhankiisa balanqaaday 10 fuusto oo Daamura.