Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay go’aanka dowlada ay ku diiday Ergeyga Midowga Afrika
26 May 2021 (Puntlandes) Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midowga Afrika ay u soo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama.
James Swan ayaa shalay ka hadlay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Somaaliya ayaa ku tilmaamay go’aankaas inuu ahaa mid aan wanaagsanayn.
“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.”ayuu yiri James Swan.
Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo ergeyga gaarka u qaabilsan Soomaaliya isla markaana wuxuu hakiyay shaqadaas.
Puntlandes.com