WAR DEG DEG AH: Xildhibaanada ay Qaadatay Beesha Absame iyo Siday u qaybsadeen Xildhibaanada

Waxaa Maanta Maamulka Jubaland iyo IGAD ay u sheegeen Odayasha dhaqanka tirooyinka ay Beel walba oo kamid ah Beelaha Jubbaland laga siiyey Baarlamaanka Jubbaland. Beesha Absame oo iyadu tan wax qaybinaysay ah ayaa tirada ugu badan Xildhibaanada Jubbaland Qaadatay.

Beesha Absame ayaa Shirar gooni gooni ah ku yeeshay Hotelada Magaalada Kismaayo sidii ay Xildhibaanada u qaybsan lahaayeen.
Sidan hoose ayey tiradii aadka u badnayd ee ay heshay Beesha Absame u qaybsatay:

  • Beesha Cawliyaha ayaaa qaaday 8 Xildhibaan
  • Beesha Maxamed Zubeer ayaaa qaaday 7 Xildhibaan
  • Beesha Maqaabul ayaaa qaaday 2 Xildhibaan
  • Beesha Jidwaaq ayaaa qaaday 3 Xildhibaan
  • Beesha Tolomoge ayaaa qaaday 1 Xildhibaan
  • Beesha Bahgari ayaaa qaaday 1 Xildhibaan

Beesha Absame ayaa rajo fiican ka qabta in Xildhibaanada 10 ka ah ee Madaxweyne Axmed Madoobe uu u madaxbanaan yahay ay ka helaan ilaa 3 Xildhibaan oo sidaas ay tirada guud isku noqon doonto 25 Xildhibaan oo Baarlamaanka  Jubbaland ay Beesha Absame ku yeelan doonto.

Isku soo duuboo waxaad moodaa in ay Beesha Absame Goosatay iyadoo taageero ka helaysa Amb Afay in ay tiraahdo wax wakba anuu igu fiican yahay, sidaasna ay ku qaadato wixii oo dhan.

Puntlandes.com

 

 

About The Author