Madaxweyne Gaas oo gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug iyo Tigey oo u hambalyeey
Madaxweynaha Puntland ayaa gudoomiye cusub ugu magacaabay Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax.
Saraakiil xog ogaal ah ayaa Warbaahinta Puntlandes u xaqiijiyay warkaan, Gudoomiyaha cusub ayaa sanadadii dambe degena USA.
Dhanka kale gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa hambalyo u diray gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax.
Tigey oo ku sugun iminka magaalada Buuhoodle ayaa hambalyadiisa wuxuu kusoo dhigay bartiisa uu ku leeyahay facebook.
Wuxuuna u qoray sidatan “ Waxaan u Hambalyaynayaa Guddoomiyaha Gobolka mudug cabdulqaadir shire waxaan rajaynayaa inuu meel wanaagsan gaarsin doono gobolka Wuxuu ka mid ahaa dadkii I garab istaagay intaan shaqada hayay dadwaynaha sharafta leh ee gobolka mudug waxaan ka codsanayaa inay guddoomiyaha cusub la sheqeeyaan,“.
Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes waxay u hambalyeynaysaa Gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax waxayna u rajaynaysaa in uu wax wayn ka qabto horumarinta Gobolka iyo isku duubida shacabkiisa.
Puntlandes.com